Sannadkii tegay ee 2018 waxa uu iigu bishay magaalada Muqdisho. Bil iyo hodhodho aniga oo jooga Muqdisho ayuu sannadkani bishay. Waxa uu ii ahaa sannadkii u horreeyey ee iigu bisha meel ka baxsan Soomaalilaand.
Socdaalladaydii iyo wixii iiga kordhay:
Waxa aan odhan karaa, imaatinkaygii Muqdisho isbeddel weyn oo noloshayda oo dhan daba-geddiyey ayaan ka dhaxlay. In kaste oo Soomaalilaan aan dhan walba uga baxay oo aan ahaa nin socod badan, haddana markii aan Xamar imi waxa aan ogaaday in aan ahaa jiir haan ku weynaaday!
Soomaali deegaanno kala duwan isaga timi ayaan Xamar ku bartay. Arrintaas caafimaad nafsi ah baan ka helay runtii. Waayo, ruuxdayda ayaa jecel kala duwanaanshaha dhan wal oo ay tahayba. Dabeed, waxa aan xaqiiqsaday soomaalidu in ay ka ballaadhantahay intii aan hore u aqaannay.
Dhanka kale deegaanno badan oo soomaaliyeed ayaan sannadkan 2018 booqday. Bishii June aniga iyo tobaneeyo asxaabtayda ah oo isaga kala timi Muqdisho, Hargeysa, Garoowe, Burco iyo Ceerigaabo; waxa aan booqasho ku tagnay meelo kamid ah gobolka Sanaag.
Gobolka Sanaag waa gobolka ugu baaxadda weyn Soomaalilaand, waana gobol ku habboon dalxiiska, wax soo saarka beeraha, badda iyo macdanta...iwm.
Goobo ashqaraar leh oo gobolka Sanaag kamid ah ayaanu booqannay. Waxa kamid ahaa, buurta Daalo, Karin, Hareed, Gaacidh, Shumux-shumux, Tabco iyo meelo kale oo aanan magacyadoodii xasuusnayn. Agagaarka buurta Tabco waxa aanu degganayn afar habeen.
Waxa halkaas nagu soo dhoweysay dabiicadda aan la farofarayn ee deegaanka. Quruxda dhirta, aamusnaanta buuraha iyo codka hallaasiga ah ee shimbiraha ayaanu saaxiib la ahayn afartaa beri. Waxa aanay noo noqotay meel aan ku xasilno oo aanu kaga nasanno buuqii baraha bulshada iyo balanbalkii siyaasadda soomaalida.
Intaa kadib, waxa aanu kusoo laabannay magaalada Ceerigaabo. Kadib, mar labaad ayaanu Ceerigaabo uga baxnay dhanka baadiyaha. Waxa aanu u caano doonannay geelal lagu hayey banka Xadeed oo ah ban aad u ballaadhan oo geed gaaban mooyee aan lahayn geed dheer oo la hadhsan karo.
Bishii September waxa aan booqday magaala madaxda maamul goboleedka Puntland ee Garoowe. 2013kii ayaa iigu danbaysay magaalada Garoowe. 5sano kadib, waxa aan Garoowe kusoo arkay horumar laxaad leh iyo koboc ku yimi magaalada. Waxa isoo jiitay dhismaha wasaaradaha iyo jidadka qurxoon ee magaalada dhexmara.
Isla bishii September waxa aan Garoowe uga sii gudbay magaalada Gaalkacyo, magaaladaas oo muddo dheer aan ku hamminayey in aan arko. Gaalkacyo waxa aan u xiiseenayey, waa magaalo ay dabeecado badan wadaagaan magaaladaydii aan ku dhashay ee Burco. Ad-adayga, ragannimada, aftahamada iyo maadda/shactiradaba way ka simanyihiin labada magaalo ee Burco iyo Gaalkacyo.
Gaalkacyo waxa aan isku soo barannay oo nagu soo dhoweeyey dhallinyaro firfircoon oo waxbaratay, oo iyagu isku xilqaamay isusoo dhoweynta beelaha dega Gaalkacyo iyo fududeynta isu socodka magaalada dhexdeeda.
Magaalada Cadaado oo iyaduna ka tirsan maamul goboleedka Galmudug ayaan iyadana booqday. Cadaado waxay ahayd magaalo aad la iigu soo dhoweeyey, dad gob ah na aan isku soo barannay. Dadka ku nooli waxay ahaayeen dad isku duuban oo nabad ku wada nool.
Magaalooyinkaas soomaaliyeed intii aan mushaaxayey waxa ii kordhay wax badan. Waxyaalo badan oo aan hore u rumaysnaa baa beenoobay, kuwo kale na waan xaqiiqsaday.
- Waxa aan ogaaday dhallinyarada soomaaliyeed in loo kala sheekeeyey se aanay is baran, isla markaana baahi weyn loo qabo in dhallinyaradu ay is bartaan oo ay is dhexgalaan oo inta ay is arkaan ay sheekeystaan, si meesha uu uga baxo is qalad fahamka iyo in ay dhallinyaradu barasho horteed is nacaan.
Meel kaste waxa aan ku arkayey dhallin xiiseenaysa in ay wax ka ogaato waayaha nololeed ee dhallinyarada ku nool deegaanka aan ka imi ama kasoo jeedo. Dhankaygana, harraad baan u qabay in aan ogaado xaaladda dhallinta ku nool deegaannada aan booqday. - Dhallinyarada soomaalidu meel kaste oo ay joogaan waxa jira duruufo iyo mushkilado ay wadaagaan. Wax kamid ah, shaqo la'aanta, tahriibta, tayo xumida tacliinta, cidhiidhiga fursadaha, caddaalad darrada iyo qoqobka..iwm.
- Waxa aan ogaaday dhaqankii marti-soorka iyo soo dhoweynta ee ay soomaalidu lahayd in aanu dhiman, sida ay dowladnimadii u dhimatay.
Dhanka kale 2018 waxa aan ku xasuusan doonaa in uu ahaa sannad ay xijaabteen dadyow agtayda qaali ku ahaa. Waxa kamid ah Taliye C/wali iyo Casayr oo shil gaadhi ku dhintay Berbera iyo Hargeysa dhexdooda, Sh. Maxamed Shukri oo Burco ku dhintay iyo saaxiib kay Axmed Deeq oo qarax Xamar ka dhacay ku dhintay. Iyaga iyo intii kale ee sannad kan innaga baxdayba Alle ha u naxariisto.
Dhacdooyin xusid mudan:
- Dhacdooyinka casharrada laga baran karo ee aan 2018 ku xasuusto waxa kamid ah, madaxweynihii DDSI Cabdi Iley oo muddo dheer hab kelitalisnimo kursiga ku haystay, denbiyo badan oo bini aaden nimada ka dhan ah na galay oo xabsiga loo taxaabay! "Ragow kibirka waa lagu kufaa ee kaa halla ogaado"
- Waxa aan shaashadaha ka daawanaynay Cabdi Iley oo aad mooddo in uu ilmeenayo oo xabsiga loo sii jiidayo!
- Maxadweynihii Yamen Cali Cabdalla Saalax oo dhafoorka la fujiyey, sidaana ku dhintay.
- Dilka iyo jarjaridda weiye Jamaal Khashuqji
- Dhanka fanka iyo suugaanta soomaalida, 2018 waxa aan ku xasuusan doonaa in uu ahaa sannad ay soo baxeen heeso badan oo micno ahaan, ereyo ahaan, muuqaal ahaan iyo anshax ahaan ba liita
- Halgan iyo hagardaamo, Cabdillaahi Yuusuf AHUN
- Sooyaalka soomaalida, Cabdiqaadir Aroma AHUN
- Taariikhda soomaaliya, dalkii filka weynaa ee Punt, Maxamed I Liiqliiqato AHUN
- Amiina Almufti, basaasaddii Carbeed ee MOSSAD ugu caansanayd, Turj. Kamaal A. Cali
- Political science - An Introduction (fourteenth edition)
- ايام من حياتي, زينب الغزالي
- طبائع الاستبداد ومصارع العباد, عبد الرحمن الكواكبي
- المثقف والسلطه, ادوارد سعيد
Sidoo kale na waxa aan akhriyey maqaallo iyo sheeko faneedyo badan oo dhinacyo kala duwan ka warramaya sida, siyaasadda, dhaqanka, taariikhda..iwm.
Ugu danbayn, 2018 waxa uu ii ahaa sannad xiiso badan oo waayo aragnimo iyo koboc wacyi aan ka dhaxlay. Sannad ka cusub ee 2019 harraatidiisa alle ha innaga samatabixiyo, samihiisana alle ha ina waafajiyo.
